Cover of Barahu waa barbaariye bulsheed

Barahu waa barbaariye bulsheed

W.Q. Dr. Suldaan Garyare

2024

Halka laga iibsan karo

Noo sheeg haddii xogta, sawirka, ama isku xirka buuggan ay khaldan yihiin.

Luuqadda: somali
ISBN: 978-91-982116-5-8

Ku saabsan Buuggan

Baruhu waa mid saameyn weyn ku leh wakhtiga, mana laha muddo kooban, cidina ma cabbiri karto meesha ay saameyntiisu ku egtahay. Baruhu waa mid wax ka beddela nolosha iyo wacyiga bulshada, isaga oo adeegsanaya tamaashiir ama jeeso, ninba sida uu u yaqaan, iyo geesinimo. Bare kasta waa mid u akhriyi kara bulshada ama ardayda buug, laakiin buugaagtu ma aha kuwa ay muhiim tahay amase lama-huraan ah in ay xambaarsan yihiin xikmad, laakiin Baraha ayaa ah mid xambaarsan xikmadda uu adeegsanayo si uu aqoontii u gaarsiiyo ardaydiisa ama bulshadiisa.

Dad badan ayaa waxa ay rumeysan yihiin in Baruhu ka muhiimsan yahay ama ka qaalisan yahay wax uu bulshada barayo amase haddii si kale loo dhigo aqoonta uu bulshada ama ardayda barayo. Hadaba buuggan aan ugu magac daray 'BARUHU WAA BARBAARIYE BULSHEED' ayaan rabaa in aan ku ogaano muhiimadda Baruhu u leeyahay bulshada, oo aan anigu u arko "Wastaad ama Fuundi" dhisaya ummad ama jiil korriin iyo koboc maskaxeedi u socdo.

Suldaan Maxamed Suldaan Ibrahim (Garyare)(Diploma, BA (Hons), BSc, MSc & P . Candidate)

Qoraagu waa aqoon-baare ku foojigan dhaqanka iyosiyaasadda Soomaalida iyo kan dunida Muslimkaba.

Stay Connected

Get notified about new additions to our archive, author spotlights, and insights into Somali literary culture.

Markaad dirto, emailkaaga ayaa kuu furmaya si aad farriin ugu dirto [email protected].