Ku saabsan Buuggan
Riwaayaddan waxay iila eg tahay inaan durbaba carrabka ku dhufto inay tahay riwaayad jaadke da ah tii ugu horreeysey inta aannu og nahay. Waa riwaayad si gaar ah u muujinaysa halgankii Daraawiishta iyo himilooyinkii hoggaamiyahooda; Sayid Maxamad Cabdille Xasan. Ma aha mid aad qosol iyo maad ka filan karto, sida dad badan maskaxdooda ku soo dhacda kolkii ay magac riwaayadeed maqlaan. Waa mid tilmaamaysa noloshii adkayd ee ay ku noolaan jireen urur Soomaaliyeed oo mabda' cad lahaa, goor iyo ayaanna u taagnaa meelmarinta mabda'oodaas ay maanka ku hayeen. Danta aannu riwaayaddaan ka lee nahay, iyada oo aan mid iyo laba lagu soo koobi karin, waxaa noogu weyn: Waa mare, inaannu qoreyaasha riwaayadaheenna tusno jid cusub oo ku saabsan soo-bandhigidda riwaayadaha taariikhda loogaga sheekeeyo. Waxaannu rabnaa inaannu fannaaniinteenna dareens inno inay jiraan siyaalo ka duwan habkii hore ee riwaayadaha aan ku soo wadney tan iyo waagii aynu bilawnay; sanooyinkii konto nadii horraankoodii.
Buugaagta La midka ah
Ten Stories from the Prophet ﷺ: Reflections and Insights
Dr Ali Mohamed Salah
2024
Halka laga helo
The ABC of Research Methods: Notes for Graduate Students
Ibrahim Farah
2024
Halka laga helo
The Abrahamic Paradigm: Pluralism, Salvation, and the Challenges of the Contemporary Abrahamic Trialogue
Dr Ali Mohamed Salah
2024
Halka laga helo
The Cold War Fallout: Boundary and Conflict in the Horn of Africa
Abdisalam M Issa-Salwe
2022
Halka laga helo
Stay Connected
Get notified about new additions to our archive, author spotlights, and insights into Somali literary culture.