Ku saabsan Buuggan
"Lafo-gureyaaasha suugaantu haddii ay murugo iyo maad sheekooyinka u qaybiyaan, tani qaybta murugada ayay ku abtirsataa. Waxay ka mid tahay sheekooyinka nooca haddaad bilawdo aadan awoodi karin inaad joojiso. Waa sheeko dhacday oo qofkii ay la soo gudboonaatey qudhiisu u qalinka u qaatay, dabadeedna inoo soo bandhigay, iyada oo si dhab ah dareenkiisa u xanbaarsan. Bog waliba inaad u gudubto bogga xiga ayuu kugu marti-qaadayaa ilaa saacadaha qaarkood aad ku hurdo-seegto! Sannadkii 2010kii ayaan kansho u helay iyada oo aan daabacnayn inaan akhriyo, runtiina waxaan dareemay ilmada qoraagu inay bog walba ku daadanayso, markaas baan aniguna la ilmeeyey!"- Axmed F. Cali "Idaajaa"Sheekadani waxay akhristaha u soo gudbinaysaa dhacdo dhab ah. Samatar iyo Ilwaad waa lammaane is jecel oo waayuhu kala geeyey, halgan adagna u galay sidii ay maruun qoys u yagleeli lahaayeen. Colaad iyo dagaal aanay fileyn ayaa uga yimid, xidid iyo xigaalaba, kuwii ay tabantaabada iyo hiilka ka dhowrayeen. Geed dheer iyo mid gaabanba waxay u fuuleen sidii ay isu seejin lahaayeen. Waa qiso is rogrogeysa oo kacaa-kufeysa, hadbana dhan kaa soo galeysa, kuna laabkicinaysa. Waxay maraysaa heerar iyo marxalado kala duwan. Mar way ku hiyi kicinaysaa oo dareen ayey kugu abuuraysaa, marna waa kaa caraysiinaysaa oo dagaal ayey ku gelineysaa. Kol inay kaaga ilmaysiiso ayaa la arkaa, marna inay ku farxadgeliso. Mar waxay ku dhadhansiinaysaa macaan aad muudmuudsato, marna kharaar aad isla markiiba soo tufto. Waa dhacdo in wax lagu qaato mudan, dhinacyo bandanna taabaneysa. Waxay si gaar ah wax uga iftiimineysaa sidii ay bulshadeennu ula dhaqmi jirtey lammaane is jecel, gaar ahaan kuwii xaaladdooda dhaqaale iyo midda bulsho aaney isku midka ahayn ee ay kala duwaneyd. Sidii loo arki jirey wiil danyar ah oo hawaysta gabar reerkoodu ladan yahay.
Buugaagta La midka ah
Ten Stories from the Prophet ﷺ: Reflections and Insights
Dr Ali Mohamed Salah
2024
Halka laga helo
The ABC of Research Methods: Notes for Graduate Students
Ibrahim Farah
2024
Halka laga helo
The Abrahamic Paradigm: Pluralism, Salvation, and the Challenges of the Contemporary Abrahamic Trialogue
Dr Ali Mohamed Salah
2024
Halka laga helo
The Cold War Fallout: Boundary and Conflict in the Horn of Africa
Abdisalam M Issa-Salwe
2022
Halka laga helo
Stay Connected
Get notified about new additions to our archive, author spotlights, and insights into Somali literary culture.