Cover of Idil iyo Warsame

Idil iyo Warsame

W.Q. Warsame Ahmed Amalle

2024

Halka laga iibsan karo

Noo sheeg haddii xogta, sawirka, ama isku xirka buuggan ay khaldan yihiin.

Luuqadda: somali

Ku saabsan Buuggan

Warsame wuxuu ku dhashay geyiga ay bulshada reer guuraaga ah ee Soomaaliyeed dagaan, halkaas ayuuna ku garaadsaday. Markuu yaraa, weylaha ayuu ilaalin jirey, wuxuuse ku taami jirey, inuu lo'da ama geela raaco. Laakiin markey walaashiis Hodan oo ariga aroorin jirtey, xanuunsatay ayey waalidkiis Warsame u sheegeen inuu ariga arooriyo, go'aanka waalidkiisna gef weyn ayuu u arkay, laakiin qasab ayey ku aheyd inuu ariga ceelka u raaco.

Balse markuu Idil oo ayaduna ari aroorineysa dhabaha kula kulmay, si wanaagsana u bartay, ayuu go'aansaday inuu maalinta xigtana ariga soo raaco, si uu Idil u arko. Idilna waxay Warsame ka balan qaaday, iney ayaduna ariga soo raaci doonto, taasna aad ayuu ugu bogay.

Stay Connected

Get notified about new additions to our archive, author spotlights, and insights into Somali literary culture.

Markaad dirto, emailkaaga ayaa kuu furmaya si aad farriin ugu dirto [email protected].