Qaamuuska Af Soomaaliga
Cabdalla Cumar Mansuur
Qaamuuska Af Soomaaliga
Bilaash u soo dajiso
About this Book
Qaamuuskani waa mirihii hawl adag oo muddo dheer soo socotay. In uu mudadaas dheer qaato waxaa ugu wacan maadaama uu qayb ka ahaa sababihii loo sameeyey mashruuca Cilmibaarista Soomaaliyeed (Studi Somali)1, waxaa hawlgalkiisu billaabmay kaddib markii la soo saaray sannadka 1985 Qaamuuska Soomaali-Talyaani (Agostini F., A. Puglielli e Ciise M. Siyaad, Dizionario Somalo-Italiano, Roma, 1985); sababta ay hawshiisu u adkaatayna waxay ahayd iyadoo billowgii dagaalka sokeeye ee 1991 uu caqabad ku noqday sii wadidda hawshii qiimaha lahayd ee lagu qabtay Akademiyadii Fanka, Suugaanta iyo Sayniska ee Muqdisho. Waxaase nasiib wanaag ah in dalka Taliyaaniga ay yaaleen nuqulladii macluumaadkaas oo laga shaqeeynayey ilaa muddadaas. Inkastoo qaybo ka mid ah oo aan nuqulkooda la haynini ay ku baaba’een Soomaaliya, intooda badani way badabaadeen. Joogsiga mashruuca iskaashiga “Somalia-Italia” iyo burburkii ku dhacay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed iyo Akedemiyadii, sida hay’adaha kale ee qaranka, iyo guud ahaan xaaladihii colaadeed ee dalka ka jiray waxay sababeen in dib u habayn xoog leh lagu sameeyo mashruuca qaamuuska. Arrintan iyada ah dhowr jeer ayaan horay uga faalloonay.
Related Books
Stay Connected
Get notified about new additions to our archive, author spotlights, and insights into Somali literary culture.